Q. M. oo Ergay U Soo Magacawday Geeska Afrika, Kii Somalia aan wali la magacaabin, iyo Siday Somaliland u aragto.

New York (Somaliland Mirror)-Xoghayaha guud ee qaramada midoobay António Guterres ayaa magacaabay ergaygiisa gaarka ah ee u qaabilsanaan doona geeska Afrika.

War ka soo baxay qaramada midoobay ayaa lagu sheegay in xoghaye António Guterres uu magacaabay Parfait Onanga-Anyanga oo ka soo jeeda wadanka Gabon kaas oo u qaabilsanaan doona wadamada geeska afrika.

Mr. Onanga-Anyanga ayaa leh khibrad uu muddo badan kaga soo shaqaynayey qaramada midoobay.

Magacaabistan ayaa timi yadoo Somalia ay dhawaan eriday ergaygii gaarka ahaa ee Qaramada Midoobay u soo magacaabi jirtay.

Lama garanayo in uu ergaygan cusub shaqadii kii Somalia qaban jiray la wareegayo iyo in kale, laakin dad badan baa waxay u arkaan in Qaramada Midoobay ay wax ka badashay qaabki hore ay u soo magacaabi jirtay ergayga Somalia.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland aya isaguna dhawaan saxaafada ka sheegay in ay Somaliland  xaq u leedahay  ergay gaar u ah oo aan ahayn ka Somalia ka shaqayn jiray.

Go’aanka laguma sheegin in shaqadii hore ee ergayga xoghayaha qaramada midoobay ee Somalia wax laga badalay, laakin waxa la ogyahay in Xoghayaha Guud ee  Qaramada Midoobay uu inta badan ergay gaar ah usoo magacaabo wadanada qalalaasuhu ka jiro.

Mandaqada geeska Afrika ayaa wuxuu  dhibku ka jira dalkii la isku odhan jiray Somalia .

Haddii go’aanka Qaramada Midoobay uu yahay in Geeska Africa oo dhan loo magacaabo hal ergay oo qudha, taas ayaa waxay u noqonaysaa guul diblumaasiyeed Somaliland, maadaama aan la hoos gayn Somalia.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: