Puntland oo dooratay gudoomiye Barlamaan Cusub

Garoowe (Somalilandmirror.com ):- Waxaa saaka magaalada Garoowe si rasmi ah ug  bilaabmatey Doorashada guddoomiyaha Baarlamanka  waxaana  ku  kala  tartamayeen afar murashax oo kala ah  1 :Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-dareed)  2: Cabdijamaal Cismaan Maxamed 3: Cabdiraxmaan Cali Jibriil iyo Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Mudane Cabdixakiin Dhoobo ayaa helay 37 cod, Cabdijamaal Cismaan Maxamed  ayaa helay 15-cod Cabdiraxmaan Cali Jibriil ayaa helay 9-cod ,halka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil  uu helay 5-cod,sida ay uu ku dhawaaqay guddoomiyaha guddiga doorashada,Ismaaciil Cabdi Abtiile.

Wareegga labaad ayaa waxaa u gudbay, Cabdixakiin Maxamed Axmed(Dhoobo-dareed) iyo Cabdijamaal Cismaan Maxamed , kadib markii uu tanaasulay, Cabdiraxmaan Cali Jibriil

Waxaana  si rasmi ah ugu guuleystay Wareega labaad isla markaana Noqdey Gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland Md Cabdixakiin Dhoobo.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: