Paul Pogba Oo Laga Helay Cudurka Coronavirus

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Paul Pogba ayaa laga saaray xulka France ka dib markii laga helay cudurka coronavirus, sida uu xaqiijiyay tababaraha France Didier Deschamps.

27-jirkan ayaa lagu waday in lagu soo daro kooxda France ee ka hor tagi doonta Sweden iyo Croatia koobka Nations League bisha soo socota.

Si kastaba ha ahaatee, tababare Deschamps ayaa shaaca ka qaaday in Pogba laga helay xanuunka isla markaana da ‘yarka Rennes ee Eduardo Camavinga uu booskiisa buuxin doono.

“Daqiiqadihii ugu dambeeyay, waxaan ku qasbanaanay inaan badalno liiska maxaa yeelay Paul Pogba ayaa ku jiray liiska laakiin, nasiib xumo isaga, wuxuu qaaday baadhitaan shalay kaasoo sheegay in xanuunku hayo saaka,” ayuu Deschamps u sheegay suxufiyiinta.

“Markaa, daqiiqadihii ugu dambeeyay, waxaa lagu bedelay Eduardo Camavinga.”

Xiddiga qadka dhexe ee kooxda Tottenham Tanguy Ndombele ayaa sidoo kale laga saaray kooxda waxaana lagu soo waramayaa inuu isna qaaday cudurka.

France ayaa wajihi doonta Sweden 5-ta bisha September kulan ka dhacaya Solna ka hor inta aysan martigelin Croatia seddex maalmood ka dib.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: