Pakistan Iyo IRAN Oo Gaadhay Heshiis Muhiim Ah.

Dowladda Pakistan iyo Iiraan ayaa ku heshiiyay dadaalo farsamo oo la xidhiidha horumarinta ganacsi ee u dhaxeysa labada Waddan.

Labada dal oo ood-wadaag ayaa uga gol leh arrintaan, sidii looga takhalusi lahaa ganacsiga sharci-darrada ee liddiga ku ah dhaqaalaha.

Budhcad ka shaqeysata Gas-ka sharci darrada ah oo u dhashay Iiraan ayaa la aaminsan yahay in qiimo jaban ay ku geeyaan dalka Pakistan.

Arrintaan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah muwaadiniin u dhashay labada dhinac, waxaana arintaan cabasho xooggan muujiyay xukuumadaha Tehraan iyo Islamabad.

Si kastaba ha ahaatee heshiisyada labada dal ay gaadheen ayaa sare u qaadi doona waaxyaha Canshuurta ee ku sugan xadka Pakistan iyo Iiraan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: