Nuxurka Qodobada Ay Wada Hadleen Madaxweyne Eritrea Iyo Kaaliyaha Xoghayaha Arimaha Afrika U Qaabilsan USA Oo Asmara Ku Kulmay.

Madaxweynaha dalka Eritrea ayaa kulan la qaatay kaaliyaha xoghayaha arimaha Afrika u qaabilsan dalka Maraykanka Tibor Nagy oo gaadhay magaalada Asmara.
 
 
Madaxweyne Isaias Afwerki iyo kaaliye Tibor Nagy ayaa ka wada hadlay xaaladaha gobolka Geeska Afrika iyo danaha ka dhaxeeya wadamada Maraykanka Iyo Eritrea.
 
Wasiirka warfaafinta dalka Eritrea Yemane Gebremeskel ayaa warbixin uu ku faafiyey bogiisa Twitter-ka waxa uu ku cadeeyey in madaxweyne Isaias Afwerki uu sheegay in dalkiisu diyaar u yahay ka qayb qaadashada wax qabad muuqda si loo xoojiyo xidhiidhka wada shaqaynta ah ee ka dhaxeeya dalka maraykanka.
 
Wasiirka warfaafinta Eritrea ayaa sidoo kale sheegay in kaaliyaha xoghayaha arimaha Afrika ee dalka Maraykanka Tibor Nagy uu qayb ka ahaa go’aankii uu maraykanku qaatay ee ahaa inuu xoojiyo xidhiidhka uu la leeyahay dalka Eritrea.
Sidoo kale wasiirka warfaafinta Eritrea ayaa sheegay in labada dhinac isku raaceen inay wada shaqeeyaan si loo xoojiyo heshiiskii hore u dhex maray Itoobiya iyo Eritrea.



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: