Ninkii Muslimiinta ku laayay dalka New Zealand oo Maxkamad lasoo taagay +Maxa Lagu Xukumay

Christchurch (somalilandmirror)-Waxaa maxkamad kutaala magaalada Christchurch ee dalka New Zealand lasoo taagay ninkii ka dambeeyay weerarkii lagu laayay muslimiin badan ee ku cibaadeesaneysay  labo masjid oo kuyaala New Zealand.

Brenton Tarrant oo ah 28 ayaa maxkamada lasoo taagay isaga oo gacmaha ka xiran sidoo kale xiran dharka maxaabiista ah, ninkan ayaana la sheegay in indhaha ku gubayay saxafiyiinta iyo dadkii kale ee Maxkamada joogay.

Garsooraha Maxkamada oo ninkan kusoo eedeeyay dambiyo dil ah ayaa amray in xabsiga lagu sii hayo ilaa 5-ta nisha April xiligaas oo loo gudbin doono Maxkamada sare si dacwadiisa loo qaado.

Ninkan Maxkamada lasoo taagay ayaa ka dambeeyay weerarkii shalay ka dhacay labo masjid oo kuyaala dalka New Zealand , waxaana weerarkan ku dhintay 49-qof oo salaada Jimcaha dukanayay halka dad kale oo badana ku dhaawacmeen.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: