Muwaadiniin U Dhashay Mareykanka Iyo Ingiriiska Oo Ka Mid Ah Dadkii Lagu Dilay Weerarka Nairobi Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Khasaaraha.

Waxaa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay weerar gelinkii dambe ay dabley hubeysan ku qaadeen Hotel caan ah iyo dhismayaal ka ag dhow oo ku yaala 14 Riverside ee deegaanka Westland ee galbeedka magaalada Nairobi.

 

Ugu yaraan 15 ruux ayaa illaa hada la xaqiijiyay inay lagu dilay weerarka, 11 ka mid ah dadkaas waxay ahaayeen Kenyan, halka labo kale ay ahaayeen Muwaadiniin u dhashay Mareykan iyo British.

 

 

Sidoo kale dadka ku dhintay weerarka waxaa ku jira labo wiil oo Soomaali walaalo ah, kana shaqeynayay Hey’adaha sama Falka, kuwaasoo ka soo jeeda magaalada Wajeer.

 

 

Warbaahinta Kenya ayaa soo warineysa in weli rasaas laga maqlayo hotelka Dusit oo ay galeen dableyda, waxaana howlgalka uu socdaa in ka badan 12 saacadood.

 

 

Ciidamada Ammaanka Kenya ayaa weli la dagaalamaya dableyda hubeysan, waxaana saraakiisha ammaanka ay sheegeen inay xakameeyeen goobta oo ay amnigeeda sugeen, welina uu socdo howlgalka.

 

 

Rasaas iyo qaraxyo ayaa saaka aroortii laga maqlayay dhismaha ay ku jiraan dableyda hubeysan, waxaana xaalada ay tahay mid weli cakiran.

 

 

Afhayeenka howlgalada Al-Shabaab oo la hadlay wakaaladaha wararka ayaa sheegay in illaa 47 ruux ay dileen, oo ay ku jiraan caddaan, isla markaana ay weli heystaan dhismaha ay weerareen.

 

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: