Mooshinkii laga keenay Madaxweyne Farmaajo Halkee Ayuu Ku Danbeyey

Qoraal goordhaw lasoo gaarsiiyay Warbaahinta lana sheegay in uu kasoo baxay xafiiska Xoghayaha guud ee golaha shacabka C/kariin Xaaji Buuh ayaa lagu sheegay in mooshinkii laga keenay Madaxweyne Farmaajo uu  buray.

Sida ku xusan qoraalkan 14-Xildhibaan ayaa xafiiska xoghayaha usoo diray dacwado ku aadan in looga been abuurtay mooshinka ayna kamid aheyn dadka gudbiyay sidoo kale saxiixay.

Waxaa qoraalkan lagu sheegay in Mooshinka uusan sharci aheyn hadii ay ka laabteen 14-qof oo kamid ahaa kuwii la sheegay in ay saxiixeen, waxaana hada saxiixayaasha mooshinka kusoo hareen  78 xildhibaan.

Halkan ka Akhriso Qoraalka

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: