Mid Kamid Ah Beelihii Ceel Afwayn Ku Dagaalamay Oo Soo Qabtay Labo Nin Oo Dil Gaystay +Arimo Xasasi Ah

Ceelafwayn(somalilandmirror)-Mid ka mid ah Beelihii hore ugu dagaallamay degmada Ceel-Afweyn ayaa maanta maamulka gobolka Sanaag ku wareejiyay Axmed Cabdi Cawad iyo Cabdirisaaq Cawil Du’caale, oo la sheegay in ay geysteen dilkii ugu danbeeyay ee ka dhacay deegaanka Darar-weyne oo nin Carraabo ah lagu dilay.

Arrinkan ayaa waxa ka horeeyay in Beesha kalena soo qabatay nin hore Gabadh ugu dilay deegaanka.

 

Hore ayaa guddida Nabaayntu ugu amartay Beelaha in Beelkasta soo qabato cidii dhib gaysata.

Beelahan oo hore dad badani ugu kala dhintay ayaa hadda u muuqda in ay go’aansadeen in Nabadda ay ilaaliyaan.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: