Maxkamada Ciidamada Itobiya Oo Xukumo Ku Riday Askartii Dhowaan Mudaharaadka La Tegay Xafiiska Madaxweynaha

Maxkamada Ciidamada Itobiya Oo Xukumo Ku Riday Askartii Dhowaan Mudaharaadka La Tegay Xafiiska Madaxweynaha

Maxkamada ciidamada difaaca ee dalka Itoobiya ayaa xukuno ku riday qaar ka mid ah askartii iyaga oo hubaysan cabashada ula tagay raysal wasaaraha Dr. Abiy Ahmed oo ku sugan xafiiskiisa.

Dabayaaqadii bishii September ayey ahayd markii 250 askari ay tageen xafiiska raysal wasaare Dr. Abiy Ahmed kuwaas oo doonayey in mushaharka loo kordhiyo isla markaana soo bandhigay cabashooyin kale oo ay qabeen.Sida ay baahisay wakaalada wararka ee dalka Itoobiya ENA, 66 askari oo ka mid ah ciidamadii iyaga oo hubaysan tagay xafiiska raysal wasaaraha ayaa lagu xukumay falkaas aan sharciga ahayn ee ay sameeyeen.

Wararka ayaan cadayn nooca uu yahay xukunka ay maxkamada ciidamadu ku riday 66 askari halka askartii kalana la sheegay in laga qaaday talaabooyin dhinaca maamulka ah.

 

Sida uu sheegay taliyaha ciidamada ee aaga Bari ee dalka Itoobiya Maj. General Zewudu Belay talaabada ay ciidamadu ku galeen xafiiska raysal wasaaraha ayaa saamaynaysa sumcada uu ciidanku leeyahay.

Maxkamada ayaa la sheegay inay hoos u dhigtay darajooyinka ay ciidamada ku dhex lahaayeen askartii tagtay xafiiska raysal wasaare Abiy Ahmed.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: