Maxay Tahay Sababta Wareysi Uu Bixiyay Madaxweynaha Masar Laga baqayo in T.V. ga laga sii daayo.

Telefishinka CBS ee uu fadhigiisu yahay waddanka Mareykanka ayaa sheegay inuu ku gacan seydhay codsi uga yimi dowladda Masar, oo dooneysa inuusan hawada galin wareysi ay ka qaadeen madaxweynaha Masar Cabdifataax al-Sisi.

Codsigaas ayaa waxaa mas’uuliyiinta Telefishinka gaadhsiiyay danjiraha Masar u fadhiya dalka Mareykanka.

Wareysigaas oo 60 daqiiqo soconaya ayaa lagu soo warramay in Mr Sisi uu ku xaqiijiyay wada shaqeynta ka dhaxeysa Ciidamada Masar iyo kuwa Israa’iil, si ay isaga kaashadaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha Jihaad doonka ah ee ku sugan gacanka Sinai.

Waxa uu sidoo kale dafiray in dowladdiisu ay xabsiga ku hayso dad siyaasiyiin ah, wuxuuna difaacay howlgalkii dhimashada badnaa ee lagu wajahay mudaharaadyadii sannadkii 2013-kii.

Mas’uuliyiinta warbaahinta la iska arko ee CBS ayaa sheegay in laga codsaday ineysan wareysigaas hawada ka sii daynin wakhti dhow, laakiin iyagu ay ka diideen dalabkaas.

Ma jirto wax jawaab ah oo ay dawladda Masar ka bixisay wararka soo baxaya ee ku saabsan macluumaadka ku jira wareysiga uu bixiyay madaxweyne Sisi.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: