Maxay Tahay Sababta Uu Farmajo Dib Ugu Dhigayo Magacaabista Raisal Wasaaraha ?

Waxaa laga joogaa 34 maalmood maalintii xilka laga qaadey raysal wasaare Xassan Cali Kheyre, waa mudadii ugu dheerayd ee dalku aanu lahayn Raysal wasaare, haddaba waxaa jira faallooyin iyo falanqeyn badan oo dad kala duwan ay ka bixiyeen sababta ay ku dhacdey.

Laga soo bilaabo bishii lixaad ee sanadkan markii guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ku dhawaaqeen in la isugu yimaado shir wadatasho oo u dhexeeya Dowaldda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada, si xal loogu helo doorashooyinka dalka. Xaaladda siyaasadeed ee Dowladda Federaalku waxa uu galay mid ka duwan jawigii horey loogu bartey saddexdii sano ee la soo dhaafey ee ahaa mid deggan, waxaana arrintu cirka isku shareertey markii Raysal wsaare Xassan Cali Kheyre oo sheegay saddex qodob oo kala ahaa:

  • • In doorashadu xiligeedi ku dhacdo
  • • In muddo kororsi uu keenaayo qalalaase siyaasadeed
  • • In Doorashadu noqoto noockasta oo heshiis lagu yahay.

Madaxweyne Maxamed Farmaajo iyo kooxda aadka ugu dhaw ee uu ugu horeeyo Agaasimaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, waxay dejiyeen istraatiijiyad ay u fahmeen in ay tahay mid ay ku guuleysan karaan, kadib markii xilka laga qaadey raysal wasaare Kheyre.

  • • Magacaabidda Raysal wasaare kumeel-gaar ah.
  • • In la kala jebiyo mucaraadka iyo isbahaysiyada Muqdisho ka dhisan oo qaarkood ay hoggaamiyaan Madaxweynayaal hore
  • • In gacanta lagu dhigo saddexda Dowald goboleed ee Galmudug, Hirshabelle iyo KG, kadib Dhuusmareeb 2
  • • In la helo taageerada golaha shacabka oo isku duuban
  • • In meesha laga saaro awooda Aqalka sare

Hubka ugu weyn ee Villa Somalia u isticmaashey hirgelinta qorshaheeda ayaa ah MAGACAABIDDA RAYSAL WASAARAHA CUSUB, waxaa waraysiyo laga qaadey dad ka badan 20 qof, waxaa cidkasta loogu sheekeeyey in Raysal wasaaruhu dhankooda ka imaanayo si la isugu dubarido xulafo siyaasadeed oo been lagu soo xerogeliyey.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu tegey Dhuusamareeb isaga oo aan magacaabin Raysal wasaare, cidkastana ay sugeyso in uu fuliyo ballanqaadkiisi, taasi waxa uu ku heley xulafo siyaasadeed oo kumeel-gaar ah sugayana inta la magacaabayo Raysal wasaaraha.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: