Maxamuud Xaashi Oo Lagu Daraayo Gudida Fulinta Xisbiga KULMIYE,Siyaasi Samaale Iyo Axmed Cabdi Dheere Oo Loo Kala Cod-qaadayo + Dareenada Ku Xeeran.

Shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ayaa maalinta isniinta ah ka furmaya magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

 

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa kulan uu la qaatay ex madaxweyne Siilaanyo waxa uu ugu sheegay ajandaha shirka golaha dhexe kuwaas oo uu ku soo daray qodob ku saabsan in guddida fulinta ee xisbiga lagu soo dari doono xubno cusub qaar hore ugu jirayna lagu ansixiyo.


Sidoo kale wararka xaqiijiyey in kursiga gudoomiyaha xisbiga Kulmiye oo hunguri kaga jiro siyaasi Maxamuud Xaashi aan si ku meelgaadhnimo ah loo wareejinayn, taas oo guul kale oo siyaasigaas isku diyaarinaya la wareegida hogaanka xisbiga Kulmiye.

 

 

 

Wararka ayaa sheegaya in xubnaha lagu darayo guddida fulinta ee xisbiga Kulmiye uu ugu horeeyo wasiirkii hore ee madaxtooyada md Maxamuud Xaashi Cabdi.

 

Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere iyo ex Wasiir Cabdicasiis Samaale ayaa ka mid ah xubnaha ku jira guddida fulinta ee codka loo qaadi doono, iyada oo la buuxin doono jagooyin ay guddida fulinta ee xisbiga Kulmiye ka baneeyeen siyaasiyiin uu ka mid yahay Cabdilaahi Jawaan oo iska casilay.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: