Maxaa Kasoo Cusboonaaday Xiisada U Dhaxaysa Israa’iil Iyo Xisbullaah ?

Milateriga Israa’iil ayaa rasaas ku furay maleeshiyaad ka tirsan Xisbullaah oo isku dayay “inay si dhuumaalaysi ah gudaha ugu soo galaan dalkayaga”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu Ciidammada milateriga ee Israa’iil (IDF) ayaa sheegay in ilaa afar maleeshiyo ay ka soo gudbeen xadka aagga Mount Dov, goobtaas oo qeyb ka ah dhulka buuraha Golan Heights ee ay Israa’iil ka haysato Suuriya.

Bayaan ka soo baxay Xisbullaah ayaa waxaa lagu sheegay in halkaas wax iskudhac ah uusan ka dhicin, hasayeeshee waxa ay eedda dusha uga tuureen “khalkhalka” cadawga Muddo maalma ah ayaa waxaa taagneyd xiisad kaddib markii la dilay dagaalyahan ka tirsan Xisbullaah. Ninkaas ayaa sida la sheegay lagu dilay duqeyn dhanka cirka ah oo ay Israa’iil ka gaysatay Suuriya. Israa’iil, oo aanan warkaasi xaqiijin beeninna, ayaa waxa ay weerrar cirka ah qaadday arooryadii hore ee Isniintii, waxa ayna Xisbullaahi uga digtay inuusan soo qaadin weerar aargoosi ah

Ciidammada milateriga ee Israa’iil (IDF) ayaa sheegay in “argagixisadu ay dib ugu carareen waddanka Lubnaan” kaddib markii Isniintii rasaas lagu riday Mr Netanyahu, ayaa khudbad laga sii daayay taleefishinka waxa uu ku sheegay in “aragtida dhabta ah uu ahaa inay isku dayayeen inay dalkayaga u soo xaluushaan”.

Waxa uu intaasi ku daray: “Xisbullaah iyo Lubnaan ayaa qaadaya mas’uuliyadda buuxda ee dhacdadaa iyo weerrarkasta oo Israa’iil uga yimaada dhulka Lubnaan. Xisbulllaah waa inay ogaadaan in dab ay ku ciyaarayaan.”

Warbaahinta Israa’iil, oo soo xiganaysa ilawareedyo milateri oo aanay magacyadooda shaacin, ayaa sheegay in xubno ka tirsan Xisbullaah ay qorshaynayeen inay weerrareen saldhig ay leeyihiin milateriga Israa’iil. Wararka ayaa intaas ku daray in Israa’iil ay la socotay dhaqdhaqaaqa raggaas oo ciidamadeeda ayaa rasaas ku furay markii maleeshiyaadku ay ka soo gudbeen xariiqa buluugga ah ee ah xadka Qaramada Midoobay ay aqoonsantahay ee u dhaxeeya Israa’iil iyo Lubnaan.

Wararka ayaa sheegaya in milateriga Israa’iil uu madaafiic ku garaacay aagga ay raggaasi ku wajahnaayeen. Dhinaca Lubnaan lagama soo sheegin wax khasaare ah oo arrintaasi ka dhashay.

Map
Presentational white space

Xisbullaah, oo si xooggan u hubaysan ayna maalgeliso dowladda Iiraan ee ay sida wayn isaga soo horjeedaan Israa’iil, ayaa ah ciidammada ugu awoodda badan Lubnaan kuwaas oo ay isku dhinac ka soo jeedaan milateriga Lubnaan. Waxa ay ciidammada ururkaasi si wayn uga howlgalaan koonfurta dalka, xulafadooda siyaasadeedna waxa ay galaangal ku leeyihiin dowladda.

Bayaan uu soo saaray ururka Xisbullaah ayaa lagu sheegay in dagaalyahannadoodu aanay ku lug yeelan wax iskudhac ah, toogasho ama iskuday inay Isniintii Israa’iil u xaluushaan, iyadoo uu ururku intaasi ku daray “hal dhinac umbay arrintu ka socotay, taas oo ku timid cabsida, walwalka iyo khalkhalka cadawga”. Sikastabada xaalku ha ahaadee, bayaanka ayaa waxa uu ka digay in jawaabta geerida dagaalyahankeeda “ay qasab tahay inay timaado”.

Israa’iil iyo Xisbullaah ayey ka dhaxaysaa cadaawad kulul waxa ayna muddo bil ah dagaalamayeen sanadkii 2006-dii, kaddib markii Xisbullaah uu dilay sideed askari oo Israa’iiliyiin ah sidoo kalana uu afduubtay laba kale kaddib weerrar ka dhacay xadka Colaaddaas ayaa waxaa ku dhintay 1,191 qof – oo u badan dad rayid ah – oo ku nool waddanka Lubnaan, iyo 121 askari iyo 44 qof oo rayid ah oo Israa’iiliyiin ah.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: