Maxaa Ka Jira Wararka Sheegaya Inay Xukuumadu Lacag U Qeybisay Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland + Sababta Loo Siiyey.

Warar xog ogaal ah Oo Aanu Helayno Ayaa ayaa sheegay in xukuumada madaxweyne Muuse Biixi ay saaka lacag u qeybisay qaar ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada EE Xisbiga Kulmiye Ku Abtirsada.

Xogaha ayaa sheegay in xildhibaan kasta la siinaayey lacag u dhaxeysa  $ 1500-2000  ( Kun Iyo Shanboqol Ilaa Laba Kun Oo Dollar ) ujeedada  loo siinaayey ay aheyd sidii ay xildhibaanadu cod aqlabiyad leh ku ogalaan lahayeen xubnaha cusub ee kominshanka doorashooyinka oo muran xoogani ka tagaan yahay .

Madaxweyne Biixi oo maalmo sii horeysay ka hadlaayey meel munaasibad ah ayaa sheegay in xubnaha  ay cabashada ka keenen xisbiga Waddani ee uu kominshanka u magacaabey xalka ka gaadhistoodu  u taalo golaha wakiilada oo uu hor geeyey .

Xisbiyada UCID iyo Waddani ayaa waxaa ay dhawaan cabasho ka gudbiyeen isla markaana ay ka biyo diideen xubno ka mid ah saddexda xubnood ee madaxweyne Biixi u soo xulay kominshanka cusub ee doorashooyinka , kuwaas oo ilaa hada uu murankoodu taagan yahay




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: