Masuuliyiin Xukuumadda Ka tirsan Oo Madaxweynaha Hortiisa Lagu Dhaariyey + Magacyada Masuuliyiinta La Dhaariyey.

Masuuliyiin tiradoodu dhan tahay 15-xubnood (Shan iyo toban) oo xilal ka haya hay’adaha kala duwan ee xukuumadda, ayaa maanta lagu hor dhaariyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Masuuliyiintan oo kala ah wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Cismaan Jaamac Aadan Iimaan, guddoomiyaha Baanka dhexe, Mudane Cali Ibraahim Jaamac Baqdaadi, xubno katirsan guddiyada Maamul-wanaagga, Dhawrista Tayada iyo Xuquuqal Insaanka, ayuu madaxweynaha hortiisa ku dhaariyey Guddoomiye-ku-xigeenka maxkamdda sare, ahna ku simaha guddoomiyaha, Garyaqaan Maxamed Cumar Geelle.

waxana uu madaxweynuhu masuuliyiintan kula dardaarmay inay ilaaliyaan masuuliyadda culus ee dushooda saaran, kuna dedaalaan caddaaladda iyo sinnaanta, iyada oo madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) uu goob-joog ka ahaa dhaarta.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: