Masuul Sare Oo Ka tirsan Wasaarada Waxbarashada Somaliland Oo Xilkii Laga Qaaday

Wasiirka Waxbarashada Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa xilkii ka qaaday Agaasimihii Waaxda Manaahijta ee Wasaaradda Waxbarashada Cabdillaahi Yaasiin Diiriye, kadib markii qaar kamid ah dugsiyada Somaliland ardayda loogu dhigay casharro ka baxsan Manhajka Somaliland kuwaasi oo ku saabsan diinta kiristaanka.

Masuulkan xilka laga qaaday ayaa shaqadan soo hayay in ka badan 25 sano.

Culimada dalka qaar ka mid ah ayaa si weyn uga hadley arinkan ayaa sabab uqonotey in wasiirka waxbarashada somaliland Toorno sheegey in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono schoolkii lagu qabto isagoo dhiga mahnajka somaliland wax ka baxsan




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: