Masuul Ka Tirsanaa Xisbiga Kulmiye Oo Xil Looga Magacaabay Dawlada Soomaaliya.

Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa magacawday shan safiir oo ka hawl gali doono safaaradaha dibada.

 

Sida lagu ansixiyey shirkii golaha wasiirada dawlada federaalka ah ee soomaaliya oo maanta ka qabsoomay magaalada Muqdisho, safiiradan la magacaabay ayaa waxa ka mid ah siyaasi ka tirsanaa xisbiga haya talada somaliland ee Kulmiye kaas oo lagu magacaabo Xasan Daahir Dhimbiil oo ka mid ahaa siyaasiyiin sadex ah oo dhawaan gaadhay magaalada Muqdisho.

 

 

Shirka golaha wasiirada soomaaliya oo uu gudoomiyey raysal wasaare Xasan Cali Khayre waxa lagu soo bandhigay shan safiir oo la magacaabay kuwaas oo kala ah Xasan Daahir Dhimbiil, Muxiyadiin Maxamed Kaalmoy, Xasan Xundubey Jimcaale, Maxamed Isxaaq Ibraahim iyo Maxamed Cali Mire.

 

 

Xubnahan loo magacaabay xilalka safiirnimo ayaa wadamada ay ka hawl gali doonaan lagu soo saari doonaa digreeto ka soo bixi doonta xafiiska madaxweynaha soomaaliya.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: