Masuul Ka Tirsan Wasaarada Waxbarada Oo Shaqadii Wasiirka Wasaaradaasi La Wareegay Iyo Moganaanta Madaxweyne Biixi.

Hargaysa (somalilandmirror)-Shaqooyinka ay qabtaan Wasiirrada waxbarashada Somaliland waxa ka mid ah magacaabista maamulayaasha dugsiyada sare ee dawliga ah, halka ay Guddoomiyeyaasha gobollada ee tacliintu ay magacaabaan maamuleyaasha dugsiyada hoose. Waxbarashada: Laba Masuul

 

Laakiin waxa maalmahan dambe dhacda in Guddoomiye Waxbarasho oo gobol uu ku xadgudbo masuul uu xilka u xulay wasiirka waxbarashadu.



 

 

 

 

 

 

 

Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa Naasir Haaruun 19 kii Sebtember 2018ka digreeto Wasiir ugu magacaabay Maamulaha Dugsiga Sare ee Quulle Aadan (Axmed Gurey) oo ku yaalla degmada Axmed-Dhagax ee Hargeysa.

 

 

Waxa la yaab leh in uu Guddoomiyaha Galbeedka Maroodijeex Xuseen Ibraahin Xasan uu 20kii Disember 2018ka uu soo saaray Digreeto uu xilka kaga qaadayo Maamulihii Dugsiga sare ee Quulle Aadan Md Naasir Haaruun Haybe, waxaanu jagadaas u magacaabay Maxamed Maxamuud Yuusuf (Mudane) oo ahaa macallin ka tirsan Dugsiga sare ee Quulle Aadan.

 

Xil-ka-qaadistan ayaa jahawareer ka abuurtay guud ahaan dusgiga Quulle Aadan.

 

 

 

 

Waxa is-weydiin leh:

1.Sidee ayay laba masuul oo ku magacaaban digreeto isku mid ahi ay xilka isaga qaadi karaan?

2.Guddoomiyaha Waxbarashada Galbeedka Gobolka Maroodijeex ma awooddii wasiirka ayuu adeegsanayaa?

 

3.Wasiirka Waxbarashada iyo Saynisku miyuu oggol yahay in awooddiisa cid kale adeegsato?

 

4.Tallaabadani miyaanay qas iyo fawdo ku ahayn nidaamka dawliga ah?

 

5.Sidee ayuu masuulka laga qaaday xilku u yeeli karaa digreetada sharciga baal-marsan?




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: