Mareykanka Oo Shaaciyey Tirada Ciidamo Al Shabaab Ah Oo Uu Duqeyn Ku Dilay.

Ciidamada Maraykanka ayaa sheegay shalay inay dileen in ka badan 50 maleeshiyada ururka Al-Shabaab ka tirsan kadib markii Al-Shabaab ay saacadihii hore ee Sabtidii ay soo weerareen saldhigga Sanguuni.

Al-Shabaab dhinacooda waxay sheegteen inay weerarkaasi ku dileen askar ka tirsan kuwa dawladda Soomaaliya. Sanguuni waxaa si wadajir ah uga hawlgala ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland. Haddaba wararkii ugu dambeeyey uyo xaaladda maanta ee Sanguuni ayaa Haaruun Macruuf uu ka waraystay Gaashaanle Cabdiraxmaan Axmed Faarax oo xukumay ciiddamada maamulka Jubbaland ee ku sugan Sanguuni.

 

 

Dhinaca kalena, Ciidamada Kenya waxaa ay soo xidheen ku dhowaad 10 qof oo laga soo kala qabtey gobolka Xeebta Kenya, iyo sidoo kale dhinaca Waqooyi Bari Kenya ee ay Somalida degto. Waxaa qabqabashada dadka ay daba joogtaa weerarkii hotelka Dusit D2 ee dhacay Talaaddadii Todobaadkii hore. Alshabab ayaa dhinac marka laga eego xoojisey weeraraddeeda maalmihii lasoo dhaafay




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: