Manchester United oo si lama filaan ah uga badisay Paris Saint German.

Manchester United ayaa guul taariikhi ah ka gaartay Paris Saint-Germain ka dib markii ay kooxdaasi Faransiiska ah ka reebtay horyaalka Yurub ee Champions League-ga.

Paris Saint-Germain (PSG) ayaalugtii hore ee lagu ciyaaray Old Trafford waxa ay ku soo badisay 2-0, waxaana ciyaarta caawa la saadaalinayay inay si sahal ah ugu badin doonto Manchester.

Romelu Lukaku oo weerarka uga ciyaara Man United ayaa qayb weyn ka qaatay guusha kooxdiisa waxaana uu dhaliyay laba ka mid ah saddexda gool ee ay ku badisay.

Goolka guusha waxaa United u dhaliyay Marcus Rashford oo ciyaartoo dhammaad ah rogoore u dhaliyay kooxdiisa.

Khubarada kubadda cagta ayaa saadaalinaya in guushan ay muhiimad gaar ah u leedahay tababaraha kumeelgaadhka ah ee Man United, Ole Gunnar Solskjaer ayna u badan tahay in si buuxda loogu magacaabo tababaraha kooxdaasi.

Manchester United, FC Porto, Ajax iyo Tottenham ayaa u gudbay wareegga rubuc dhammaadka, waxaana meesha ka baxay Real Madrid, Borussia Dortmund, Roma iyo PSG oo ahaa kooxaha loo badinayay inay u gudbi doonaan wareeggan.

Tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan ayaa xiisa wayn leh sanadkan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: