Magacyada Guddi Dhakhaatiir Ah Oo Wasiirka Caafimaadku Magacaabay Iyo Hawsha Uu U Xilsaaray.

Wasiirka horumarinta caafimaadka somaliland Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf ayaa magacaabay guddi farsamo oo dhakhaatiir ah.
 
 
Wasiirka caafimaadka ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku sheegay in guddidan farsamo ay ka hawl gali doonaan soo afjarida dhakhaatiirta ajaanibta ah ee ka hawl gasha dalka.
 
Wasiirka caafimaadka somaliland Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf ayaa sheegay inuu wareegtadan ku magacaabay guddida dhakhaatiirta ah isaga oo fulinaya amar ka soo baxay madaxweynaha somaliland.
 
Wasiir Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf ayaa guddida dhakhaatiirta ah ee uu magacaabay waxay kala yihiin.
 
Dr. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Maxamed
Dr.Cabdiraxmaan Cali Mahdi(Aw Koombe)
Dr. Bashiir Cabdi Saleebaan
Dr. Farxaan Cumar Muuse
Dr. Faadumo Xaashi Iimaan
Dr. Saleebaan Cabdi Guuleed
Dr. Cismaan Maxamed Diiriye
Wasiirka caafimaadka ayaa guddidan dhakhaatiirta ah ee uu magacaabay waxa uu ku adkeeyey inay si mug leh uga soo baaraan degaan hawsha uu u xilsaaray.



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: