Magacyada Dhalinyaro Xabsiga Lagu Guray,Dhaq-dhaqaaqyo Ka Bilaamay BORAMA Xili Shirweynihii KULMIYE Kaambiga Soo Saaran Yahay

Ciidamada booliska ee magaalada Boorama ayaa awood ku kala kaxeeyey dhalinyaro dareenkooda isku soo bax ku muujinayey.

Maalintii isniintii ee todobaadkan ayaa dhalinyaro ku sugan magaalada Boorama waxay ka hadleen xasuuq ay sheegeen in jabhadii SNM u gaysatay shacabka gobolka Awdal.Dhalinyaradan oo iskugu soo baxday wadooyinka magaalada Boorama ayaa ka cadhaysnaa dhalinyaro kale oo xukuumadu ay xidh xidhay, iyada oo ciidamada booliskuna ay ku guulaysteen inay kala kaxeeyaan dhalinyarada isku soo baxday.

Hadalada ka soo baxay dhalinyaradaas ayey xukuumada somaliland kaga jawaabtay inay xabsiga dhigto, iyada oo la xidhay dhalinyaro magacyadoodu kala yihiin

  1. Idiris Cabdilaahi Khayre(Idiris Pharmacy)
  2. Maxamed Jaamac Muuse(Oday)
  3. Maxamuud Faarax Warsame(Ruush)
  4. Cali Ismaaciil Aare(Cali Waaheen)
  5. Rooda Nuur Cali

Talaabada lagu xidhay dhalinyaradan ayaa ku soo beegmaysa iyada la wado qaban qaabada shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye oo la rajaynayo inuu dabayaaqada bishan ka qabsoomo xarunta gobolka Awdal ee Boorama.

Dhinaca kale waxa soo badanaya talaabooyinka xadhiga ah ee ay xukuumadu la beegsanayso cid kasta oo sheegta waxyaabaha ka soo horjeeda , iyada oo ay bulshadu la yaabtay talaabooyinkii lagu xidhay darbijiifkii xukuumada ka dalbaday bustayaasha, abwaanadii ka gabyey khaladaadka jira iyo dadkii kale ee ka hadlay tacadiyada booliska.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: