Madaxweynihii Hore Ee Dalka Kenya Oo Geeriyooday

Madaxweynihii hore ee Kenya, Daniel Toroitich Arap Moi ayaa la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Moi oo da’diisu ay ahayd 94 sano jir waxaa uu dalka Kenya Kenya soo maamulayay 24 sano, waxaana uu xilka ka degay sanadkii 2002. Moi ayaa muddooyinkii dambe xanuunsanaa, waxaana xaaladiisa caafimaad lagu la tacaalayay dibadda iyo gudaha dalka Kenya.

Madaxweyne Daniel Toroitich Arap Moi oo dhashay 2-dii bishii Sabtembar ee sanadkii 1924, kana soo jeeda qowmiyadda Kalenjinta ee degta galbeedka wadanka Kenya ayaa xilka madaxweyne ku xigeenka qabtay sannadkii 1967-dii.

Kadib dhimashadii madaxweynihii koowaad ee Kenya, Jomo Kenyatta, waxay Moi u ahayd guul siyaasadeed oo uu gaaray, maadama xiligaas ay jireen siyaasiyiin kale oo ku ag hareereysnaa Kenyatta, kuwaas oo uu hanqal taagayay in ay xukunka qabtaan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: