Hargaysa(Somalilandmirror)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu xalay kulan xaasaasi ah la qaatay wasiirka maaliyada, Sacad Cali Shire waxana uu Ka codsaday in uu beeniyo in wax dayn ah ay lala wareegeen xukumadii hore ee Siilaanyo, waxana Dr Sacad aad loogu canaantay arintaasi Ka baxday.
Dhanka kalena waxa jirta xubno mihiim ah oo ku dhow dhow madaxweynaha oo iyagu talo ku bixiyay in aan arintaasi aan la beenin taasi oo ay sheegeen in ay sii abuuri doonto buuq hor leh hadii uu wasiir Sacad uu saxaafada la hadlo
Hadaba hadii uu Sacad Cali Shire uu saxaafada la hadlo oo arintani uu dhabarka u saaro xildhibaan Ibrahim Mahdi Buubaa, oo sida Madaxtooyada laga soo abaabulay uu warbaahinta la hor yimaado dafiraad iyo hadal aan isaga Ka soo bixin, waxa ay arintani noqon doontaa fadeexadna kale.