Dhulkan ayaa la sheegay in madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo siiyay nin ganacsade ah oo hadda halkaasi ka bilaabay dhismaha hotel waxaanay wararka arrintan ka soo baxaya sheegayaan in amarka madaxweyne Biixi lagu joojiyay dhismahan.
Dabayaaqadii bishii hore ayay xukuumaddu la wareegtay Khayriyada Hargeysa oo xukuumaddii hore siisay nin ganacsade ah, kaas oo hotel ka hirgeliyay. Waxay xukumaddu sheegtay in halkaasi noqon doonto goob taariikhi ah waxaana ka sii horeeyay dhawr meelood oo xukumaddu joojisay.