Madaxweyne Farmaajo Oo Gaadhey Magaalada Addis Ababa Lana Kulmay Raysal Wasaaraha Itoobiya .

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaadhay magaalada Addis Ababa ayaa waxa Garoonka Diyaaradaha ee Bole ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed.

Madaxweyne Farmaajo oo casuumaad ka helay Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa kulan laba-geesood ah la yeelanaya maanta, iyaga oo ka wada hadli doona adkeynta xidhiidhka  labada dal iyo guud ahaan xoojinta iskaashiga gobolka ee dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Wafdiga Madaxweynaha la socda ayaa iyana kulamo la yeelanaya dhiggooda dalka Itoobiya si loo xoojiyo wadashaqaynta ka dhexaysa labada dhinac.

Safarkan waxa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr iyo La-taliyayaal sarsare oo ka tirsan Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale waxaa uu kulan gaar ah uu xafiiskiisa kula yeeshay raysal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed

 

 

Image may contain: 2 people, people sitting and indoor

Image may contain: 5 people, people standing and suitImage may contain: 2 people, people standingImage may contain: 3 people, people standing, suit and shoesImage may contain: 2 people, people standing and outdoorImage may contain: one or more people and outdoorImage may contain: 2 people, people standing and suitImage may contain: 2 people, suit, wedding and indoorImage may contain: 2 people, suitImage may contain: 2 people, people sitting and indoorImage may contain: 2 people, people sitting, table and indoor




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: