Madaxweyne Erdogan oo wacad ku maray inuu ‘madaxa ka jari doono’ dagaalyahannada Kurdiyiiinta

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dalkiisa “uu madaxa ka jari doono” dagaalyahannada Kurdiyiinta haddii aanay sidii qorshaha ahaa ka bixin aagga nabadda ee waqooyiga Suuriya Turkiga ayaa Khamiistii ogolaaday inuu hakiyo weerrar uu muddo shan maalmood ah ku hayay Kurdiyiinta si uu ugu ogolaado in Kurdiyiintu dib uga gurtaan aaggaasi

Hasayeeshee Sabtidii ayaa labada dhinac midba midka kale waxa uu ku eedeeyay inuu ku xadgudbay xabbad joojinta Ankara ayaa waxa ay ciidammada Kurdiyiinta u aragtaa inay argagixiso yihiin waxa ayna doonaysaa inay “aag ammaan ah” ka sameyso gudaha waddanka Suuriya.


Walow la gaaray xabbad joojin ku meel gaar ah, haddana waxaa sii socda qulqulatooyin goos goos ah – gaar ahaan xadka u dhaw magaalada Ras Al-Ain.

Isagoo ka hadlayay xaflad taleefishinka laga sii daynayay ayuu gobolka bartamaha Turkiga ee
Kayseri waxa uu Sabtidii Madaxweyne Erdogan ka sheegay in haddii dagaalyahannada Kurdiyiintu aysan galabka Talaadada halkaas isaga bixin – waa sida uu dhigayo heshiiska xabbadjoojinta ee – “waxaannu ka bilaabi doonnaa halkii aannu ku joojinnay oo waxaannu sii wadaynaa inaan madaxa ka goyno argagixisada Hogaamiyaha Turkiga ayaa waxaa lagu wadaa inuu todobaadkan wadahadal la
yeelan doono madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin. Sabtidii ayuu sheegay in haddii
wadahadalladaas aanay xal keenin, Turkigu waxa uu “fulin doonaa

Wasaaradda Gaashaandhigga ee waddanka Turkiga ayaa goor sii horraysay waxa ay ciidammada Kurdiyiinta ku eedaysay inay soo qaadeen 14 weerrar oo “daandaansi ah” 36-kii saacadood ee ugu
dambeeyay, inta badan weerraradaas waxa ay ka dhaceen magaalada Ras Al-Ain, hasayeeshee waxa ay wasaaraddu ku adkaysatay in ciidammada Kurdiyiinta ay si buuxdo u dhaqangalinayeen heshiiska.


Sikasta oo uu xaalku ahaadose, ciidammada ay Kurdiyiintu horkacayaan ee xooggaga
Dimuqraadiyiinta Suuriya (SDF) ayaa waxay Turkiga ku eedeeyeen inuu ku xadgudbay xabbad
joojinta




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: