Madaxweyne Biixi Oo Maamulka Puntland Ku Eedeeyay Inay Ciidammo Falal Amni Darro Ah Wada Soo Geliyeen Gudaha Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in maamul gobolleedka Puntland uu ciidamo falal amni darro wada ay soo geliyeen gudaha Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa ka digay arrimahaasi. waxaanu sheegay in haddii ay Puntland ka waartoobi waydo tallaabooyinka noocaas ah ay jawaab adag ka heli doonaan ciidammada qaranka Somaliland.

 

“Waxa maalmahan danbe soo kordhaya ciidamo somaliya–maamul goboleedkeeda puntland ah oo ka soo gudbaya xadka inoo dhexeeya falal amni daro ahna ka samaynaya gudaha somaliland 
Maamulka somaliya waxanu ugu baaqaynaa inay ka fogaadaan wixii xasiloonida iyo nabadgelyada gobolka Geeska wax yeelaya

 

Waxaanu ka digaynaa hadii waanadayada la weelayn waayo in dawlada somaliland ay waajib ku tahay in ay ilaaliso nabada iyo hantida muwaadiniinta jamhuuriyada somaliland” madaxweyne Biixi” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: