Madaxweyne Biixi Oo la filayo inuu iskushaandhayn ku sameeyo Xukuumadiisa.

Hargaysa(Somaliland Mirror):- Madaxweynaha jamhuuriyadda somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ilo wareedyo ka agdhow xaqiijiyeen inuu soo wado isku shaandhayn galaafan doonta rag badan oo wasiiro ka ah xukuumadda biixi, waxaana la sheegayaa inuu safka hore kaga jiro wasiir guri-barwaaqo islamarkaana wasiir cabdilaahi abokor uu noqonayo wasiirka madaxtooyada somaliland oo muddooyinkii ugu dambeeyay madaxweyne biixi ka ag dhawaa.

Bulshada reer somaliland ayaa eegaya xukuumadda uu soo wado madaxweyne muuse biixi cabdi, waxaana wararku  ay sheegayaan in 48 saacadood ee soo socda daboolka laga qaadayo iskushaandhanyta.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *