Madaxweyne Biixi Oo Isku Shaandheyn Ku-Sameynaya Xukumaddiisa ,Wasiiro Awood Badan Oo Seeftu Qaadanayso & Xoggihii Ugu Danbeyay.

Hargaysa (Somalilandmirror.com)- Warar hoose oo ay  Shebekada Somalilandmirror.com Ka Helayso  qasriga madaxtooyada Somaliland ayaa sheegaya in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu isku shandheyn ku sameynaayo xukumaddiisa.

 

Xoggaha Ayaa sheegaya in isku shadhaweynta uu sameynaayo madaxweyne BIIXI uu uga gonleeyahay sidii uu meesha uga saari lahaa dhaliilo xukumadiisa losoo jeediyo oo ku qotoma saami qaybsiga xubnaha xilalka ka haya xukumaddiisa, taas oo beellaha Somaliland ay saluug badan ka muujiyeen, xisbiyada mucaaradkuna ay ku eedeeyeen wax qabad la’aan.

 

 

 

Ilo-looga qaateen ah oo ka agdhow madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in madaxweyne BIIXI uu Wasiirka Arrimaha gudaha u magacaabayo Ambassador Cawil Cali Ducaale, halka wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed Uu u bedelo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, sidoo kale isku shaandhweynta ayaa la sheegay in ay sahayadan doonto wasiiro awood badan oo ku leh xukumadda, waxa siweyn loosaadalinayaa in xilka laga qaado  Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyigelin C/raxmaan Faarax,Wasiir Gaashandhiga Somaliland Ciise Axmed Xawar, wasiirka xanaanada xoolaha iyo kaluumaysiga Xasan Gaafaadhi &  Wasiirka Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Marwo Hinda Jaamac Xirsi ( Gaani) wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo la tibaaxay in aanay mudooyinkii danbe madaxweynaha isku san-banaaneyn, sidoo kale waxa la wariyay in uu madaxweynuhu karkaarka waydaarinaayo gudoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Md: Baqdaadi iyo gudoomiyaha gobolka togdheer  Xamse Maxamed Cabdi oo fadeexado dul-hoganayaan.

 

Xogtani waxay intaa ku dartay in wasiiro ka tirsanan jiray Xukumadihii Cigaal, Riyaale iyo silaanyo loo magacaabayo xilal kala duwan oo isugu jira wasiiro, agaasimayaal & badhasaabo, ma cada in isku shaandhweyntan ay ku jiraan taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, laakin warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in uu madaxweyne BIIXI damacsan yahay in uu xilka ka qaado taliyaasha ciidamada booliska iyo asluubta .

Ugu Danbeyn shacabka Somaliland ayaa u dhegtaaya isku shaandheyn uu madaxweynaha Somaliland uu soo wado taas oo uu kala haadinaayo masuuliyiinta xukumadiisa oo u muuqda kuwo ku fashilmay sanadkii ugu horeeyay ee mudo xilkeeda madaxweynaha ee tajiibada ahaa.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: