Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Wasiirka Difaaca Dawladda Ingiriiska

Hargeysa (somalilandmirror.com):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabiley Wasiirka Difaaca ee Dalka Ingiriiska, Mudane Gavin Williamson oo booqasho rasmi ah ku yimi Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankan oo ahaa mid saacado qaatay ayaa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska.

safarka wasiirka ayaa ah safarkii u horeeyey ee masuul haya xilka wasiirka difaacu uu ku yimaado Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanu kulankaasi ku soo dhammaaday is-afgarad buuxa iyo in la sii xoojiyo xidhiidhka labada dal ee Ingiriiska iyo Somaliland, lana dar-dar geliyo horumarinta arrimaha iskaashi ee ka dhexeeya labada waddan.

Waxaana Madaxweynaha kulankan ku wehelinaayey Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, gashaandhigga iyo Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan Dalka Ingiriiska.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: