Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Turkiga Somaliya U Qaabilsan.

Hargeysa (Somalilandmirror.com):- Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley  safiirka dawlada Turkiga u qaabilsan dalka Somaliya Amb. Mehmet Yilmaz oo booqasho ku yimid Somaliland.

Kulankan, ayaa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee u dhexeeya labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Turkiga iyo ballaadhinta mashaariicda horumarineed ee ay Turkigu ka wadaan gudaha dalka.

Waxa kale oo kulanka lagu lafo guray qodobbo ay ka mid yihiin deeqaha waxbarasho ee Turkigu siiyo Somaliland sidii kor loogu qaadi lahaa. Waxaanu kulankaasi ku soo dhammaaday is fahan buuxa.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: