Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Oo Laga Reebay Martida Boqorka Sucuudiga..

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaa laga reebay casuumaddii gaarka ahayd ee boqorka Sacuudigu u sameeyay madaxdii sannadka yimi Xajka.

Casuumaddan ayuu boqorku ku qaabilaa sannadkasta marka uu Xajku dhammaado madaxda caalamka ee Xajka yimi.

Madaxda ka socotay Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa sannadka ka qayb-galay casuumadda boqorka halka madaxweyne Biixi, aanu xaadirin.

Sannadkii hore madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo xajka tegay ayaa kulankan lagu casuumay oo la kulmay boqor Sacuudiga.

Source: Suxufi Xasan Galaydh




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: