Madaxweynaha Eritrea oo Muqdisho soo gaaray iyo Kulamo ka dhacaya Villa Somalia+Sawirro

Muqdisho(somalilandmirror)-Waxaa Maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi balaaran oo uu hogaaminayo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, waxaana Muqdisho kusoo dhaweeyay madaxweynaha Soomaaliya.

 

Wafdiga madaxweynaha waxaa qeyb ka ah xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dalka Eritrea, Wasiiro iyo Ganacsato dalkaasi u dhashay, kuwaasi oo kulamo kala duwan la qaadan doono madaxda dalka.

Markii Garoonka lagu soo dhaweeyay kadib waxaa loo galbiyay madaxtooyada Soomaaliya halkaasi oo uu Kula kulmi doono madaxweynaha Soomaaliya iyo masuuliyiinka kale ee dowladda Soomaaliya.

Mr Afawerki ayaa si weyn u yaqaala magaalada Muqdisho, maadaama qeyb kamid ah noloshiisa uu kusoo qaatay caasimadda Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay oo uu yimaado Magaalada Muqdisho madaxweyne hogaaminayo dalka Eritrea, waxaana kaga horeeyay Wasiirka Arrimaha dibadda dowladda Eritrea.

Safarkiisa ayaa ka dhigan inuu soo wanaagsanaanayo xiriirka u dhaxeeya dalalka Eritrea iyo Soomaaliya oo sanado badan uu mugdi ku jiray.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: