Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu ku dhawaaqi doono xaalad qaran oo deg deg ah

 

January 5, 2019 admin1

USA (Somalilandmirror.com ):- Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu ku dhawaaqi doono xaalad qaran oo deg deg ah, si uu u billaabo dhismaha darbiga xadka Mareykanka iyo Mexico, isagoo aan ansixin ka helin aqalka wakiillada ee Koongareeska.

Aqlabiyadda aqalka Koongareeska ayaa gacanta ugu jirta xisbiga mucaaradka ah ee dimuqraaddiga, iyagoo kuraasta ugu badan ka helay doorashadii xilliga dhexe ee dhacday 6-dii bishii Nofembar.

Dhawaaqa cusub ee ka soo yeeray Trump ayaa yimid ka dib markii uu kulan la yeeshay saraakiisha sar sare ee xisbiga Dimuqraaddiga, kuwaasoo ku gacan seydhay codsigiisii ahaa in loo fasaxo dhaqaalaha lagu dhisi lahaa darbigaasi.

Ismari waagan ayaa sabab u noqday in Mr Trump uu ka gaws adeygo ansixinta hindise sharciyeedka dhaqaalaha guud ee hay’adaha dowladda, isagoo shuruud uga dhigay inuu helo kharashka lagu dhisayo darbiga xuduudda.

Wuxuu sheegay in uu u diyaar garoobay sidii ay sannado u sii socon lahayd xannibaadda kala bar ka mid ah howlaha dowladda, oo hadda ku jirta isbuucii saddexaad.

Qiyaastii 800,000 oo ka mid ah shaqaalaha federaalka ayaan wax mushaar ah la siinin tan iyo 22-kii bishii Disembar.

Qareennada iyo shaksiyaadka kale ee ku dhow madaxweyne Trump ayaa la filayaa iney kulan yeeshaan galinka dambe ee maanta oo sabti ah, si ay uga arrinsadaan xaaladda.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: