Madaxweynaha Dalka Eritrea Oo Maanta Safar Ku Imaanaya Magaalada Muqdisho & Dareenada Taagan

Muqdisho(somalilandmirror)-Saacaadaha soo socda ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu soo gaaro wafdi uu
hoggaaminayo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo wafdi ballaaran uu hoggaaminayo.
Amaanka magaalada Muqdisho ayaa siweyn loo adkeeyay waxaa la xiray inta badan isgoysyada iyo
jidadka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho oo lagu arkayo ciidamo aad u hubeysan oo suganaya
nabad-galyada magaalada. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la
filayaa in uu ku soo dhaweeyo wafdiga madaxweynaha Eritrea garoonka diyaaradaha magaalada
Muqdisho. Booqashada wafdiga ayaa la filayaa in ay qaadato muddo labo cisho waana booqasho
taariikhi ah oo markii ugu horeysay madaxweynaha dalka Eritrea uu ku soo gaaro magaalada
Muqdisho, Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Eritrea ayaa ka wada hadli doona xoojinta xiriirka
labada dal oo dhowaan dib u bilowday, Booqashadan ayaa imaaneysa xili xiisad siyaasadeed uu
galay dalka, kaddib mooshin xil ka qaadis oo laga keenay Madaxweyne Farmaajo oo dhowaan ay
gudbiyeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: