Madaxweynaha Algeria Bouteflika ayaa ka noqday go’aankii ahaa in uu yahay musharax madaxweyne .

Madaxweynaha Algeria Abdelaziz Bouteflika oo talada dalkaasi muddo 20 sano ah hayay ayaa joojiyay go’aankii ahaa in uu yahay musharax madaxweyne, doorashada dalkaasi lagu wado in ay ka dhacdo 18-ka bisha April ee foodda inagu soo haysa.

Waxa uuna sheegay in uusan markale u tartami doonin jagada madaxweynaha ee dalka Algeria. Musharaxnimada Bouteflika ayaa sababtay in Saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay dalkaasi ka dhacaan dibadbaxyo ballaadhan.

Madaxweynaha ayaa warqadda musharxnimadiiisa gudbiyay biloowgii bishii Febraayo ee aanu soo dhaafnay, taas oo sababtay in dalka ay ka biloowdaan dibadbaxyo Xooggan.

Madxweyne Boutaflika ayaa sidoo kale sheegay in aysan dhici doonin doorashada loo asteeyay in ay dalkaasi ka dhacdo 18-ka April.

Waxaa uu sheegay in la qaban doono shir qaran sidoo kalana la soo dhisi doono guddi doorasho oo madax banaan, kadibna isbedel dhanka sharciga ah la soo gudbin doono si afti loogu qaado.

Waxaana markaa kadib la shaacin doonaa taariikhda doorahshada ay dhacayso, intaa wixii ka horreeyana waxaa talada dalka sii hayn doona madaxweyne Bouteflika.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: