Madaxwayne Mustafe Cagjar Oo Somaliland Yimid Iyo Madaxweyne Biixi Oo Wajaale Kaga Hortagay + Nuxurka Qodobada Ay Kawada Hadlayaan.

Waxaa imika soo gaadhay magaalada Togwajaale ee ku taala Xuduudka Somaliland iyo Itoobiya Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Mustaf Maxamed Cumar (Mustafe Cagjar) iyo Wafdi uu hogaaminayo.
 
Waxaana Wafdigan Togwajaale qaybta Somaliland ku soo dhaweeyay wafdi uu hogaaminayo Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin.
 
Labadan wafdi ayaa kulan ku dhexmari doonaa Togwajaale qaybta ay maamusho Somaliland sida uu qorshuhu yahay.
 
Walaw aan si rasimiya loo shaacin ujeedada socdaalkan uu ku yimid Madaxwayne Mustafe Cagjar Somaliland haddana waxa ay sheegayaan wararka Hordhaca ahi inay kawada hadlayaan xidhiidhka ka dhaxeeya labada shacab iyo qodobo kale.



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: