Madaxwaynaha Sudan oo la filayo inuu kursiga ka dago , maxaa sabab u ah ?

Sudan(Somaliland Mirror)- warar kasoo baxaya dalka Sudan ayaa sheegaya inuu kursiga ka dagayo Madaxwahnaha Sudan Cumar AL Bashiir .

wararka ayaa waxa ay kaloo sheegayaan in Waddanka Qadar loo badinayo inuu noqnayo Waddanka uu dagayo Cumar Al Bashiir.

Iscasilaadan ama kursiga uu ka dagayo Cumar Al Bashiir ayaa waxaa sabab u noqon kara cadaadiska fara badan iyo mudaaharaadka joogtada ah ee ka socda Sudan.

Mudaaharaadka iyo banaanbaxyada aya aan kala go’ayn, islamarkaana ah kuwa si wacan loo soo abaabulayo oo marba marka ka sii dambaysa sii xoogaysanaya , yadoo aanay ku eekayn dadka danyarta oo kaliya , laakin ay u gudubtay dadka ladan iyo mutacalimiinta.

Waxa kaloo  dhawaan isbadal laga dareemayaa qaar kamida madaxda dawlada ee ugu dhaw dhaw Cumar Al Bashiir, sida Wasiirka Difaaca iyo raisal wasaaraha Sudan oo hadalada ay mucaaradada kula hadlayaan ay dhawaan wax ka badaleen luqadii ay kula hadlayeen mucaaridka oo ay dhaleecayntii ka yareeyeen.

Qodab kale oo isna la filayo inuu sahlo go’aan- sashada Cumar Al Bashiir inuu kursiga ka dagao ayaa ah in beesha caalamku dhawaan muujiyeen inay diyaar u yihiin in eedihii iyo dambiyadii Cumar Al Bashiir maxkamada aduunku ku soo oogtay lagala noqdo, ama laga cafiyo , taas oo haddii uu arko Cumar Al Bashiir ku dhiirin galinkarto , inuu kursiga ka dago.

Ugu dambayn waxa yaguna si xarfadaysan siyaasd u ciyaaraya jabhadihii dawlada Sudan dagaalka kula jiray oo xabadii joojiyay , si mudaaharaadku u guulaystaan .

Arrimahaas oo dhan ma xaqiijin karaan inuu Cumar Al Bashiir kursiga ka dagayo,  laakin hubaal waxa ay u yihiin hordhac ama saadaal wacan in uu kursiga ka dagi karo.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: