Madaxwaynaha Nigeria oo la sheegay inuu dhintay oo lagu badalay nin u eeg oo Soodaani ah.

Abuja (somalilandmirror.com) – Madaxwaynaha dalka Nigeria Buhari ayaa maalintii axaddii ee shalay been iyo waxaan jirin ku tilmaamay inuu dhintay oo lagu badalay nin Soodaani ah oo u eeg .

beenintan ayaa timi kadib markii uu bilo badan ka aamusnaa warar la isla dhex marayay oo ku wareegayay baraha bulshadu ku xidhiidho.

Madaxwayne Buhari oo u tartami doona kursiga madaxwaynaha ee Nigeria markii labaad, laba bilood ka dib, ayaa sanadkii hore muddo gaadhaysa shan bilood lagu daweenayay dhakhtar ku yaala dalka Ingriiska yadoo aan lasoo bandhigin xanuunka laga dawaynayo.

arintaas ka dib ayaa baraha bulshadu ku xidhiidho lagu faafiyay inuu dhintay oo lagu badalay nin u eeg oo Soodaani ah magaciisuna yahay Jibriil.

baraha bulshadu ku xidhiidho ayaa ilaa imika aad loogu daawadaa sheekadan dad badan ka yaabisay.

madaxwaynaha Nigeria ayaa isaga oo shir ka qayb galaya dhawaan la waydiiyay inuu garanayo ninka Soodaaniga ah ee la yidhaahdo Jibriil,

madaxwaynihii ayaa ku jawaabay waa anigii , arintaa aniga idiin xaqiijinaya oo ma ihi jibriil , maalin dhawna waxaan u dabaal dagayaa dhalashadaydii 76 walina xoog baan ahay.

Madaxwaynaha ayaa intaa ku daray in ay jiraan dad badan oo rajaynayay  inuu dhinto mudadii uu xanuunka u jiifay ama dhakhhtarka ku jiray, waxaana uu yidhi waa dad jaahiliin ah oo diinta ka fog.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: