Maalqabeenada adduunka oo balaayiin dollar ka macaashay xanuunka koronaha

Xanuunka Safmareenka ah ee corona oo saamayn taban ku yeeshay dhaqaalaha iyo nolosha in badan oo caalamka ku nool ayaa haddan geesta kalena 75% kor u qaaday hantida maalqabeenada adduunka sida uu sheegay wargayska The Guardian.

600 oo ka mid ah milyaneerada Maraykanka ayaa intii lagu jiray coronaha, saddex bilood gudahood ku faa’iiday lacag lagu qiyaasay 5801 bilyan oo dollar. Maalqabeenka Jeff Bezos oo ah mulkiilaha Amazon isla markaana ah ninka ugu taajirsan caalamka ayaa coronaha ka faa’iiday lacag dhan 77 bilyan iyada oo hantidiisu gaadhay 190 bilyan, isaga oo hal maalin ku helay faa’iido dhan 13 bilyan oo dollar. Elon Musk isna waxa uu helay faa’iido dhan 50 bilyan, hantidiisa guudna waxa ay gaadhay 70 bilyan.

Mulkiilaha Facebook Mark Zuckerberg oo hantidiisu cagacagaynayso 100 bilyan oo dollar ayaa 45 bilyan ka macaashay coronaha. Bill Gates, mulkiilaha Microsoft, 20 bilyan ayaa ka helay coranaha, hantidiisuna waxa ay gaadhay 119 bilyan dollar.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: