Warar soo baxaya ayaa sheegay in aanu muddooyinkii ugu dambeeyey fooda soo gelin qasriga Madaxtooyadda Somaliland iyo goobtiisa shaqo Afhayeenkii Madaxtooyadda Maxamuud Warsame Jamaac, kaasi oo aan safar dabadeed ku maqnay, balse dalka ku sugan .
Arrintan ayaa la sheegay in ay tahay mid ka dhalatay khilaaf hoose oo muddooyinkii u dambeeyey u dhexeeyey Afhayeenka Madaxtooyadda iyo Masuuliyiinta Qasrigaas, kaas oo gaadhay heerkii ugu sareeyey, isla markaana sababay in aanu albaabka Madaxtooyadda soo gelin muddo dhawr bilood ah Afhayeen Warsame, kaas oo aan lagu arag goobtiisa shaqo ee uu awal sida joogtada ah u tegi jiray.

Dhanka kalena Afhayeen Maxamuud Warsame ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey aan ka dhex muuqan kulamada mihiimka ah ee Qasriga Madaxtooyadda ka dhaca, isagoo aan sidoo kalena kasoo muuqan shaashadaha war-baahinta aqalka looga taliyo dalka, halka uu markii hore ka dhex muuqan jiray inta badan, haseyeeshee arrintan ayaa muujinaysa inuu jiro khilaaf hoose oo soo kale dhex-galay isaga iyo masuuliyinta Madaxtooyadda Somaliland, kaas oo kale irdheeyey masuuliyiintaa sida joogtada ah u wada shaqayn jirtay saacad walba.
Geesta kalene Afhayeen Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa la sheegay inuu muddooyinkii ugu dambeeyey uu ku sugnaa Magaalada Ceerigaabo, halkaas oo uu kullamo kula lahaa Beeshiisa, kuwaas oo uu kaga xod-xodanayey inay u codeeyaan Musharaxnimada Golaha Wakiilada ee gobolka Sanaag oo uu u tartami doono doorshada fooda inagu soo haysa ee Aqalka Wakiilada,
Si
kastaba ha-ahaatee Afhayeenkii Madaxweynaha Somaliland ayaa muddo dhawr
bilood ah aan lagu arag Qasriga Madaxtooyadda Somaliland, kaas oo aan
xataa ka soo xadirin kulamada mihiimka ah ee ka dhaca qasrigaas, waxaana
la sheegay inuu jiro khilaaf soo kale dhax-galay isaga iyo
Masuuliyiinta kale ee Madaxtooyadda, haseyeeshee ma jiro illaa hadda wax
war ah oo amuurtan ku saabsan oo kasoo baxay Qasriga Madaxweynaha
Somaliland, marka laga tago xogahaas, balse waxaynu dhawrnaa halka ay
saldhigato xaajadu iyo go’aanka Madaxweyne Biixi uu ka gaadhi doono.