Lix dal oo ku yaalla Badda Cas oo dhawaan samaystay xulufo, ayaa carbiskoodii u horreeyey ee millatari bilaabay.

Hargeysa (Somalilandmirror.com)- Lix dal oo ku yaalla gacanka cadmeed iyo Badda Cas oo dhowaan samaystay xulafo uu Sucuudigu aasaasay, ayaa carbiskoodii u horreeyey ee millatari ka bilaabay badda Axadii toddobaadkan, siday werisay Wakaallada Wararka Sucuudiga ee SPA.

Dalalka Tababarkani kulmiyey waxay kala yihiin Sucuudiga, Egypt, Jordan, Sudan, Yemen iyo Djibouti.

waxa kaloo ka qayb  qaatay wakiillo muraaqibiin loogu Soo casumay oo ka socday dawladda Federaalka Soomaaliya.

“Carbiskani waxa looga gol leeyahay in lagu adkeeyo ammaanka dalalka badda cas iyo sidii loo ilaalin lahaa marin biyoodka iyo iskaashiga millatati ee dalalka xulafada ah,”sidaasna waxa yidhi Janaraal Saqr bin Mohammed al-Harbi oo ka tirsan masuuliyiinta ciidanka xeebaha Sucuudiga, waxaanu intaas ku daray In tababarkani uu socon doono ilaa Khamiista toddobaadkan.

Somaliland ayaa yagu ka hor yimi xulafaysigan oo ku tilmaamay mid aan la aqbali karayn, islamarkaana aanan si fiican u shaqayn karayn maadaama ay Somaliland ka maqantahay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: