Liiska Magacyada Wakiiladii Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya Soo Maray, Magacyadooda Iyo Waayahoodii Shaqo

– xukuumadda Waddanka Soomaaliya waxa ay dalkeeda ka caydhisay Wakiilkii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicolas Haysom kaasi oo ay ku eedeeyeen in uu fara galin qaranimadooda ka soo hor jeedda ku kacay.

Qormadan waxa aan ku eegi doonaa Liiska magacyada Wakiiladii Qaramada Midoobay ee dalkaasi Soomaaliya soo maray tan iyo Burburkii dawladdii dhexe ee dalkaasi lahaa 1991-kii. Tan iyo burburkaasi dowladdii dhexe ee Soomaaliya, Qaramada Midoobay waxaa Soomaaliya si gaar ah ugu matalayay ergay khaas u ah xoghayaha guud ee mar walba xilka haya.

Xilka wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya waxaa isku soo baddalay diblomaasiyiin fara badan oo mid walba uu howsha meel soo gaadhsiinayay.

Hase ahaatee waxaa intooda badan hadheeyay qalalaasaha ka jiray Soomaaliya iyo dowladihii soo maray oo awoodooddu aanay si buuxda cagga adag ugu taagayn.

Dhammaan wakiilladii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ka soo shaqeeyay ayaa la kulmay dhaliisha qaar badan oo ka mid ah shacabka, kuwaasoo ku eedeynayay iney fara galin ku hayeen hannaanka dowladihii taagta darnaa ee kala dambeeyey.

Kuwani waa xubno ka mid ah wakiilladii ugu caansanaa ee saameynta ku yeeshay arrimaha siyaasadeed ee Soomaaliya waxaana ugu horreeya Liiskan ergaygii gaarka ahaa ee Maxamed Saxnuun.

Xoghayihii guud ee hore ee Qaramada Midoobay Boutros Boutros-Ghali ayaa soo magacaabay wakiilkiisa gaarka ah ee Soomaaliya bishii Abriil ee sannadkii 1992-kii, waxaana xilkaas loo soo xulay Maxamed Saxnuun.

Maxamed Saxnuun

Diblomaasigan oo u dhashay dalka Aljeeriya ayaa la wareegay howlaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, xilli uu waddankaasi ku jiray xaalado adag oo ay sababeen dagaallo sokeeye. Maxamed Saxnuun ayaa u muuqday inuu u caal waayay xakameynta xaaladda Soomaaliya, wuxuuna cabasho ka muujiyay in aan si daacad ah loo wajihin arrimaha ka jira waddanka. Waxaa uu sidoo kale ku guul darreystay inuu xal ka dhex abuuro hoggaamiye kooxeedyadii isku hayay siyaasadda Soomaaliya ee ay ka mid ahaayeen Maxamed Faarax Caydiid iyo Cali Mahdi Maxamed, inkastoo uu dadaal adag u galay inuu nabad ka abuuro Soomaaliya. 29-kii bishii Oktoobar ee isla sannadkii 1992-kii ayuu Maxamed Saxuun xilka iska casilay, wuxuuna sheegay in tallaabadaas lagu saaray cadaadis. Howshii uu Soomaaliya ka soo qabtay ayuu ku tilmaamay khibraddiisii ugu xumeyd ee soo martay intii uu ka howl galayay Qaramada Midoobay.

Ismat Kittani

Ismat Kitani oo u dhashay dalka Ciraaq ayaa baddalay Maxamed Saxnuun, si uu u sii amba qaado howlaha Qaramada Midoobay ee waddanka ay dagaalladu ragaadiyeen ee Soomaaliya. Durba waxaa soo baxay warar sheegayay in Mr Kitani aanu ku qanacsaneyn xilkaas loo dhiibay. Ka dib markii ay hogaamiyeyaashii siyaasadda ee Soomaaliya ku dhaliileen inuu kibir badan yahay isla markaana uu xaaladda uga sii daray, waxaa u suurta gali wayday in uu howshiisa ka sii wado Soomaaliya.

François Louncény Fall

Mr Fall ayaa isaguna ka mid ahaa wakiilladii Qaramada Midoobay ee soo maray Soomaaliya, intii ay ka jireen dowladihii ku meel gaadhka ahaa ee la tacaalayay xaaladaha amni darro. Xoghayihii guud ee hore ee Qaramada Midoobay Kofi Annan ayaa bishii May ee sannadkii 2005-tii u soo magacaabay François Louncény Fall inuu noqdo wakiilkiisa gaarka ah ee Soomaaliya. Fall oo u dhashay dalka Guinea ayaa hore u soo noqday ra’iisul wasaaraha dalkaas, ka hor inta aanu ka shaqo billaabin Qaramada Midoobay. Waxa uu saldhigiisu ahaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya. Laga billaabo markii la soo magacaabay ilaa badhtamihii sannadkii 2005-tii, Mr Fall waxay howshiisa ugu weyn ahayd inuu ku qanciyo hoggaamiye kooxeedyadii Soomaaliya sidii ay hubka u dhigi lahaayeen isla markaana miiska wada hadalka isugu imaan lahaayeen, si dib loogu yagleelo dowladdii dhexe ee Soomaaliya oo burbursaneyd tan iyo 1991-kii.

Axmed Walad Cabdalla

Bishii September ee sannadkii 2007-dii, ayuu Axmed Walad Cabdalla xilka kala wareegay François Fall, isagoo noqday wakiilka cusub ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya. Waxaa soo magacaabay Ban Ki-moon, oo ahaa xog hayihii hore ee Qaramada Midoobay. Howlihii uu qabtay waxaa ugu badnaa wada xaajoodkii uu ka dhex sameeyay dowladdii federaalka ee Kumeel gaadhka ahayd iyo hoggaamiyeyaashii ururkii maxkamadaha islaamiga ee uu fadhigoodu ahaa magaalada Casmara ee caasimadda dalka Eretariya. Walad Cabdalla wuxuu ku guuleystay inuu heshiis dhex dhigo labada dhinac ee isku hayay siyaasadda Soomaaliya. Heshiiskaas taariikhiga ahaa ayaa la magac baxay “Heshiiskii Jabuuti”. Bishii Juulaay ee sannadkii 2010-kii ayuu Walad Cabdalla, oo ahaa wakiilkii Qaramada Midoobay ee ugu wakhtiga dheeraa Soomaaliya ku dhawaaqay inuu howl gab ka noqday shaqadaas, wuxuuna dib ugu laabtay xarunta Qaramada Midoobay. Waxaa lagu tilmaamay inuu xidhiidh dhow la lahaan jiray dowladdii ku meel gaadhka ahayd ee Soomaaliya, isagoo markii uu xilka ka dagayna si weyn ugu mahad celiyay mas’uuliyiinta Soomaaliya.

Augustine Mahiga

Mahiga oo u dhashay dalka Tanzania waxa uu baddalay Axmed Walad Cabdalla waxaanu xilka hayay intii u dhaxeysay sannadihii 2010-kii ilaa 2013-kii. Marka laga soo tago inuu ahaa wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay, wuxuu sidoo kale madax ka ahaa xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Ku dhawaad saddex sano uu ahaa wakiilka gaarka ah ee Ban Ki-moon u qaabilsan Soomaaliya, waxa uu la kulmayay dhaleecayn uga imaanaysay qaar ka mid siyaasiyiinta iyo ururrada bulshada rayidka ee Soomaaliya. 3-dii bishii Juun ee sannadkii 2013-kii ayuu Mahiga wareejiyay xilka wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Nicholas Kay

29-kii bishii Abriil ee sannadkii 2013-kii, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa wakiilkiisa gaarka ah ee Soomaaliya u soo magacaabay Nicholas Kay, oo u dhashay dalka Ingiriiska. Mr Kay ayaa si rasmi ah xafiiska ugala wareegay Augustine Mahiga, taariikhdu markii ay ku beegneyd 3-dii bishii Juun ee isla sannadkaas 2013-ka. Bishii Diisambar, Mr Kay wuxuu soo dhaweeyay go’aankii ay baarlamaanka Soomaaliya codka kalsoonida ugala noqdeen ra’iisul wasaarihii xilligaas hayay Cabdi Faarax Shirdoon. Intii uu xilka hayay, Mr Kay waxa uu ka shaqeeyay arrimo ay ka mid ahaayeen heshiiskii Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya.Dabayaaqadii sannadkii 2015-kii ayaa xilka laga wareejiyay Nicholas Kay.

Michael Keating

Laga billaabo bishii January ee sannadkii 2016-kii ilaa bishii Sibtembar ee sannadkii 2018-ka, xilka wakiilka gaarka ah ee xog hayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya waxaa hayay Michael Keating oo u dhashay dalka Ingiriiska. Intii uu xilka hayay waxaa la doortay madaxweynaha Maamulka Soomaaliya ee hadda hoggaanka haya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Mr Keating waxa uu goob joog u ahaa khilaafkii ugu horreeyay ee soo kala dhex galay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada. Waxa uu dadaal u galay sidii loo dhammeyn lahaa xasaradaha ka dhex aloosnaa hoggaamiyeyaasha labada dhinac.

Nicholas Haysom

Nicholas Haysom oo ah garyaqaan u dhashay dalka Koonfur Afrika ayaa ah wakiilka ugu dambeeyay ee wakhti xaadirkan Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya. Mr Haysom oo baddalay Mr Keating ayaa xilka wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya haya muddo dhowr bilood ah oo kaliya. Wasaaradda arimaha dibedda ee maamulka Muqdisho ee dalkaasi Soomaaliya ayaa ku amartay Mr Haysom inuu si degdeg ah waddanka uga baxo, ka dib markii uu warqad ku aaddan rabshadihii ka dhacay Baydhabo u diray wasiirka amniga gudaha. Wasaaradda arimaha dibedda Muqdisho ayaa ku wargelisay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, in Nicholas Haysom aan laga rabin isla markaana aanu ka shaqeyn karin Soomaaliya, sidaa awgeedna loo baahan yahay inuu dalkaasi kaga baxo sida ugu dhaqsaha badan. Dhinaca Somaliland xukuumaddu waxa ay taageertay ninkan waxaanay sheegtay in ay sii wadayaan wada shaqayntii ka dhaxaysay.  Si kastaba ha ahaatee waxa la eegi doonaa ninka ku xiga Nicolas Haysom oo xilka hayay muddo kooban.

Xigasho Foore




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: