Labada Xisbi Mucaarid Oo Wada Jir Ula Kulmay Safiirka Denmark Ee Somaliya Iyo Somaliland.

Hoggaanka Labada Xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID waxa ay maanta hadhimo sharafeed la qaateen Safiirka Dawladda Denmark u qaabilsan Soomaaliya Amb Mette Knudsen iyo Kuxigeenka Safiiradda Amb Nina Berg, kulankan oo ay labada Xisbi iyo Safiiraddu kaga wada hadleen dedaaladda loogu jiro qabsoomidda Doorashooyinka is barkan ee Golaha Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka iyo sidii xal looga gaadhi lahaa muranka Komishinka ee hadda taagan.

Hoggaanka labada Xisbi Mucaarad iyo Safiirradu waxa uu socday kulankoodu dhowr saacadood, iyaga oo isla meel dhigay baahida loo qabo in la helo golayaal aan muddo dhaaf ahayn, ugu dambeyn Hoggaanka Xisbiyada Mucaaradka iyo Safiirradu sida oo kale waxa ay ka wada hadleen guud ahaan xadhiga sii badanaya ee Siyaasiyiinta iyo saxafiyiinta lagu beegsanayo oo dhaawac weyn ku ah xorriyadda hadalka iyo dimuqraadiyadda dalka Somaliland.

Image may contain: 2 people, people sitting
Image may contain: 1 person, wedding
Image may contain: 4 people, people sitting, table and indoor
Image may contain: 4 people, people sitting, wedding, suit, table and indoor
Image may contain: 2 people, people sitting and table
Image may contain: 6 people, people sitting, table, wedding and indoor
Image may contain: 1 person
Image may contain: 9 people, people standing, suit and outdoor



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: