Laba Qof Oo Ku Dhintay Dab Ka Kacay Xaafad Ku Taalla Bariga Magaalada Hargeysa.

Dab xoog leh ayaa ka kacay xaafada isku raran ah oo ay degan yihiin dad barakacayaal ah abaaro 4:30-kii Habeenimo.

Laba qof ayaa dhintay mid kaleba wuu dhaawacmay ka dib markii dad qabsaday xaafad isku raran ah oo ay degan yihiin dad barakacayaal ahi, oo ku taala bariga magaalada Hargeysa, oo la yidhaa Istaanbuul.

Dimashada iyo dhaawacaba waxa xaqiijiyay guddoomiyaha gobolka Maroodi jeex Jaamac Xaaji Axmed, waxaanuu xusay in khasaare hantiyeed jiro.

Illaa hadda ma cadda sababta dhalisay dabkan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: