Garyaqaanka Guud ee mamulka Puntland Maxamed Yuusuf Maxamuud ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu kaga hadlay khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha maamulka Puntland iyo ku xigeenkiisa.
Maxamed Yuusuf, ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenka Puntland uusan awood u laheyn inuu magacaabo guddiga xalinta khilaafaadka, oo uu dhawaan kaga dhawaaqay magaalada Garowe.
Qodobada 80 iyo 81 ee Dastuurka maamulka Puntland ayuu sheegay inay cadeynayaan awoodaha ay kala leeyihiin madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland.
Wuxuu sheegay madaxweynaha maamulka Puntland C/Welli Maxamed Cali Gaas uu leeyahay awooda magacaabista guddiga xalinta Khilaafaadka maamulka, maadaama uu yahay madaxweynaha talada haya.
Hoos ka akhriso qoraalka kasoo baxay xafiiska Garyaqaanka Guud ee maamulka Puntland.

