Khilaafkii Madaxweyne Deni Iyo Axmed Karaash Oo Meel Sare Gaadhay & Xaalado Cusub Oo Taagan.

Mas’uuliyiinta dalladda ay ku mideysan yihiin ururrada Bulshada Rayidka ah ee Puntland ayaa dadaal ugu jira sidii ay u xallin lahaayeen khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaabi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash).

Labada hoggaamiye ayaa ku kala booday kala qeybsiga awoodda iyo maamulka, wuxuuna ismaandhaafkooda soo xoogeysanayay isbuucyadii lasoo dhaafay. Gudoomiyaha dalladda bulshada rayidka ee Puntland Feysal Axmed Warsame oo BBC-da u waramay ayaa rajo ka muujiyay in ay ku guulstaan waanwaan ay ka dhex wadaan labada mas’uul

Kulamo ay la kala yeesheen ayuu sheegay “inay labaduba ku muujiyeen sida ay diyaar ugu hiyiin inay soo afjaraan farqiga u dhaxeeya”. “Annagu markii hore shir baan yeelannay, haddii aan nahay qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah, waxaana go’aan ku gaarnay inaan arrintaas galno, markii aan u tagnay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka labadaba waxaan kala kulannay soo dhaweyn iyo qaddarin. Waxaan ka wada hadalnay in xiisadda la dajiyo oo ay iyagu wadahadlaan, sidaasna waxay nooga ballan qaadeen inay heshiiyaan,” ayuu yiri Faysal.

“Waxaan u sheegnay inay yihiin madaxdii lasoo doortay oo looga fadhiyay inay horumar gaarsiiyaan siyaasadda iyo dhaqaalaha Puntland.”

‘Dood maamul’

Guddmoomiyaha dalladda ururrada bulshada, Faysal Axmed, ayaa sidoo kale sheegay in Deni iyo Karaash ay ka filayaan inay maalmaha soo socda soo gabagabeyn doonaan “ismariwaagooda”. “Ujeedkeennu wuxuu ahaa inaan isu soo dhaweyno oo gacanmaca isu galinno, laakiin maadaama ay maamul iyo dowladnimo jiraan, iyaguna ay odayaashii xukunka hayay yihiin, waxay naga ballan qaadeen inay kulmi doonaan maalmaha soo socda, oo iyaga uun ay isu imaananayaan maadaama doodda u dhaxeysa ay tahay mid maamul oo aysan ahayn mid shakhsi ahaan ugu dhaxeysa.”

“Baraha bulshada ayaa isku sii diray”

Dhinaca kale wuxuu Faysal sheegay in khilaafka u dhaxeeya labada hoggaamiye ay saameyn ku leeyihiin baraha xiriirka bulshada.

“Khilaafku ma aha mid cusub oo wuxuu soo dhici jiray intii ay xireen maamulladii madaxdii hore ee Puntland, sidaasoo ay tahayna way socdeen dowladnimada iyo nidaamku. Laakiin caqabadda aan annagu hadda aad u dareemeynay waa arrinta baraha bulshada – oo cidna aysan xukumin – oo aan isleennahay waxay qeybta ugu weyn ka qaadanayaan labada oday isku dirkooda.”

Khilaafka labada mas’uul ee ugu sarreysa Puntland ayaa bannaanka yimid kadib markii 14-kii bishan May uu madaxweyne kuxigeenka kasoo horjeestay magacaabista taliyaha iyo taliye kuxigeenka madaxtooyada Puntland oo uu magacaabay madaxweyne Deni. Mudane Karaash ayaa sheegay in aan lagala tashan magacaabistaasi.

“Waxaan qoonsaday [magacaabista] taliyaha madaxtooyada. Madaxtooyadu waa meel naga dhaxaysa oo aan u wada shaqo tagno, wada joogno, wada maamulno. Madaxweynuhu markuu wiilkiisa keensaday, wiilkii aan anigu keenayna uu meeshii ka eryay, marka dee meel la isku haleyn karaba ma ah,” ayuu BBC-da u sheegay Axmed Karaash. Xafiiska madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni oo aan u bandhignay eedeymaha loo jeediyay ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo.

Balse waraysi uu maalin ka hore madaxweyne Deni siiyay telefishinka BBC Somali ayaa waxa uu ku sheegay in asagu uu leeyahay go’aanka magacaabista xilalka. “Nidaamka dastuurka ah ayaa waxa uu na farayaa marka la magacaabayo golaha wasiirrada iyo waxyaabaha la midka ah in laga wadatashado oo aan talo weydiiyo, laakin go’aanka uu madaxweynuhu leeyahay,” ayuu yiri Siciid Cabdullahi Deni.

Isfahanwaaga labada mas’uul ayaa meel adag gaaray kadib markii 22-kii bishan uu madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni magacaabay wasiirro iyo wasiirro kuxigeen, kuwaasoo uu sheegay inuu kala tashaday madaxweyne kuxigeenka. Hase ahaatee, Axmed Karaash ayaa beeniyay in lagala tashaday magacaabista wasiiraddaasi.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: