Khasaaraha Ka Dhashay Duqayn Ay Ugeysteen Xuutiyiintu Saldhig Milliteri Oo Ku Yaalla Sacuudiga.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Maleeshiyadda Xuutiyiinta ee dalka Yemen waxay ku sheegteen inay Gantaal Balaastik ku duqeeyeen Saldhig Milliteri oo ku yaalla Gobalka Najraan ee Koonfurta Sacuudiga.

Xuutiyiinta waxay sheegeen inay Gantaal lagu magacaabo “Badar 1 la beegsadeen Saldhigga Milliteri oo ku yaalladda Deegaanka Bir Askar, balse Milliteriga Sacuudiga weli kama hadlin sheegashadaasi.

 

Labo maalin ka hor, Maleeshiyadda Xuutiyiinta waxay Diyaarad nooca aan Duuliyaha Lhaayn ee Daroonka ku duqeeyeen Saldhig ay Milliteriga Sacuudiga ku leeyihiin magaalladda Jizaan oo u dhow xuduudka Yemen.

 

 

Jimcihii la soo dhaafay, Isbahaysiga Sacuudiga waxay sheegeen inay burburiyeen Saldhig ay Xuutiyiinta ka hagi jiray Diyaaradaha Darooniska ee Kooxdaasi leeyihiin.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: